Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug,waxaa maanta gaaray Wafddi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,waxaana ku wehliyay wafddi ka socday Dowladda Qadar.
Wafddigan oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaa ay damacsanyihiin sahminta Dekadaha Soomaaliya ee ay Dowladda Qadar maalgashiga ku sameyn karto.
Xaaf, safarkiisa waxaa ku wehliyay Xildhibaanno ka tirsan labada aqal iyo Wasiirka Dekadaha Soomaaliya,Wafddiga Qadar waxaa ay shalay kulan kula qaateen Magaalada Muqdisho Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.
Waxaa ay maalmaha soo socdo booqan doonaan Wafddiga Dekadaha kale ee Maamul Goboleedyada sida Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose iyo meelo kale.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay dadka Magaalada Hobyo in ay ka shaqeeyaan amniga iyo horumarinta Degmada islamarkaana maalgashi ku sameeyaan Dekadda Hobyo si ay u soo jiidato maalgashatada Caalamiga ah.
