Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Morooko, ayaa magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Mudane Casiis Akhannuuj.
Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo dhiggiisa Marooko ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo dhaqaalaha ee labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dhiggiisa Morocco la wadaagay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda, isaga oo sidoo kale warbixin ka siiyay guulaha Soomaaliya ka gaartay hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka laga hirgelinayo.
Ra’iisul Wasaaraha Morocco, Casiis Akhannuuj, ayaa si faahfaahsan u sharaxay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, diblomaasiyadda iyo horumarinta xiriirka guud ee labada waddan. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay kulanka.
Mustaqbal
