Wariye lagala baxay Guri uu ka degganyahay Wanllaweyn

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Wariya ka tirsan Idaacad ku taalla Degmada Wanllaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose saaka lagala baxay Gurigiisa.

Wariyaha lala baxay waxaa lagu magacaabaa Ismaaciil Yuusuf,waxaana uu ka tirsanyahay Idaacadda Radio Wanllaweyn oo magaalada ka howlgala.

Agaasimaha Radio Wanllaweyn Ismaaciil Mire ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamo Bangaraf ah ay saaka tageen Guriga halkaasna ka kaxeysteen Wariyaha.

Wariye Ismaaciil ayaa ah Madaxa shaqada iyo shaqaalaha Idaacadda,waxaa uu sidoo kale soo saare ka yahay Barnaamijka Ciyaaraha  ee ka baxa Raadiyaha.

Agaasimaha ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal  in Ehelka Wariye Ismaaciil ay u sheegeen in aan wax su’aal ah la weydiin loona kaxeystay Garoonka Balli doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose oo u dhow Magaalada Wanllaweyn.

Ehelka wariyaha ayaa ka walaacsan falka saaka lagu kaxeystay Wariyaha,waxaana ay intaas ku dareen in ay ka walwalsanyihiin xaaladdiisa.

Mustaqbal media

Read Previous

Somali army says kills 6 al-Shabab in southwest region

Read Next

Aleksandr Golovin oo ugu dambeyn ku biiray Monaco.