Wargeysyada Caalamka iyo Ciyaaraha Waxa ay ka Qoreen Maanta.

Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ee Mino Raiola ayaa ka shaqaynaya sidii uu 25 jirka reer France ugu dhaqaaqi lahaa kooxda Barcelona (Mail).

 Man United ayaa dalabkii ugu dambeeyay kula laabatay kooxda Tottenham oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara ee Toby Alderweireld oo 29 jir ah (Mirror).

 Kooxda chelsea ayaa bixin doonta lacagta 100 milyan ah ee lagu bur-burinayo heshiiska Goolhayaha kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak si ay ula soo saxiixato 25 jirka badalna uga dhigto goolhaye Thibaut Courtois oo ku dhaw Real Madrid (Mundo Deportivo).

 Sidoo kale kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa 25 jirka Goolka uga ciyaara kooxda Stoke City iyo xulka England ee Jack Butland hadii uu Courtois ka tago kooxda (Sky Sports).

 Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 25 milyan ah ka gudbiso Goolhayaha Stoke City ee Jack Butland saacadaha soo socda (Star).

 Koooxda Roma ayaa bartilmaameedsanayda xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham iyo xulka qaranka Kenya ee Victor Wanyama oo 27 jir ah (La Repubblica).

 Kooxda Arsenal ayaa u furan in ay dhagaysato dalabyada u imanaya xiddiga weerarka uga ciyaara ee Danny Welbeck (Evening Standard).

 Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka Croatia  ee Luka Modric ayaa si aad ah uga fiirsanaya in uu ka tago kooxda Real Madrid sababo la xiriira lacag waali ah oo ay Inter Diyaar ula tahay (La Sexta).

 Kooxda Man United ayaa diyaarinaysa dalab weyn oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lazio iyo xulka qaranka Serbia ee Sergej Milinkovic-Savic (Calciomercato).

 Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Mateo Kovacic ayaa diidan in uu tababar la qaato saaxiibadiisa kale si uu kooxda ugu qasbo in ay iska iibiso (Marca).

 Xiddiga Nabil Fekir aya laga reebay kooxda Lyon ee caawa la ciyaari doonta kooxda Chelsea xilli la filayo in ay kooxda chelsea wadahadalo la furto kooxdiisa caawa marka ay ku kulmaan tartanka International champions Cup (Sun).

 Kooxda chelsea ayaa sidoo kale fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo Goolhayayaasha Kasper Schmeichel oo u ciyaara Leicester, Pepe Reina oo u ciyaara Milan iyo Sergio Rico oo u ciyaara Sevilla xilli uu Courtois diiday in uu tababarka soo xaadiro (Star).

Kooxda Man United ayaa liiska daafacyada ay doonayso ku dartay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Jose Gimenez (Independent).

 Kooxda Arsenal ayaa dhigeeda Man United kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng (Kicker).

 Kooxda Ac Milan ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG iyo xulka France ee Adrien Rabiot (Gazzetta dello Sport).

 Kooxda Real Madrid ayaa Miralem Pjanic u calaamadsatay badalkeeda 1-aad ee ay doonayso in ay ku badasho booska Luka Modric xilli ay diyaar u tahay in ay miiska saarto qiimaha 100 milyan ee ay Juventus doonayso (Gazzetta dello Sport).

 Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay wakhti dambe u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Nabil Fekir kaas oo sheegay in uu wali diyaar u yahay in uu ka tago Lyon (L’Equipe).

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Barcelona Oo diyaar la ah Yerry Mina, Gomes iyo 50 Milyan si ay u hesho Paul Pogba.

Read Next

War deg deg ah: Cabdi Maxamuud Cumar iyo Taliyayaashii Liyuu Boolis oo la xiray