Waa maxay shuruucda cusub ee FIFA kusoo kordhisay Koobka Adduunka 2026?

Hay’adda ugu sarraysa Kubadda Cagta ee FIFA ayaa go’aamisay tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo waqtiga badan ee ku baxa inta ay socdaan kulamada ciyaaraha si looga maarmo daqiiqado dheeraad ah oo lagu sii daro kulanka.

Go’aamada cusub waxa ay isugu jiraan kuwo si toos ah u taabanaya gudaha Garoonka iyo bannaankiisa balse isla xeendaabka ah si meesha looga saaro cabashada ka timid daqiiqadaha badan ee ciyaaruhu socdaan una caajisin dadka daawanaya.

Afarta qodob ee ugu muhiimsan ee FIFA ansixisay waxaa kamid ah

1-Waqtiga Baddelka:

Baddelka Ciyaaryahanka waa meesha uu waqtiga ku lumiyo maadaama haddii uu gool leeyahay uu si degen oo luudis ah uga baxaya Garoonka, xeerkaan cusub ayaa ku qasbaya in uu degdego oo xitaa ka baxo meesha ugu dhow mar haddii 10 ilbiriqsi loo qabanayo.

Haddii aysan taasi dhicin waxaa daqiiqad sugaya ciyaaryahanka baddelayo oo lasii fadhiisin doonno isaga oo diyaarsan, marka uu u tago sarkaalka 4aad ee kulanka ayuu waqtigaas u billaaban doonnaa sida ay warisay ESPN.

2-Fooro tuurka (Throw-in):

Tani waxa ay dhacdaa marka ay kubadda ka baxdo labada dhinac dhirirka Garoonka, labada gacmood ayaa lagu tuuraa kubadda iyada oo ay dhinac taal shuruudo laga eego, waxaa lagu soo koobay waqti ahaan 5 ilbiriqsi oo ka dhigan in la dadajin doonno.

Mararka qaar ciyaartoyda garbaha dambe oo intooda badan tuura waxa ay ku lumiyaan waqtiga iyaga oo marba dhinac u jaysanaya, waxaa dhacda xiliyada qaar in ay kaar ku qaataan waqti dilkaas waa marka seeriga (Firimbiga) uu yeero kaddib.

3-Marka uu ciyaaryahanka fadhiisto ama dhaawac soo gaaro:

Iyanna waa xeelad kale oo ciyaartoyda waqtiga ay ku lumiyaan, ciyaaryahanka gudaha Garoonka ku jira ayaa dhulka fadhiista halka qaar kale ay jiiftaan si uu Garsooraha ugu fasaxo Dhaqaatiirta Caafimaadka, haddii uusan halis ahayn daryeel kooban kaddib garoonka ayuu dib ugu soo noqdaa inkasta oo bannaanka loo saarayo.

Si qodobkaan loo adkeeyo waxa ay FIFA go’aamisay in ciyaaryahanka Daryeelkaas Caafimaad ku baxa in uu bannaanka joogayo 1 daqiiqo oo ka dhigan in 60 ilbiriqsi kooxdiisa hal ruux la dheeran doonno, tani waxa ay culays ku noqon doontaa ciyaartoyda ku caanka ah waqti lumiska.

4-Muuqaalka Garsoorka Caawiya (VAR):

Nidaamka Muuqaalka Garsooraha Caawiya ee loo garan ogyahay VAR waa hannaan gaar ah oo sanado kooban kahor la hirgeliyay, waxaa keliya lagu eegi doonnaa Kaarka labaad ee Hurdiga (Jaalaha), qaladaadka ka dhaca Gees ka laadka (Koorno) & haddii uu jiro qalad kale oo sababi kari go’aan qaraar sida Gool ku laad, Kaarka Casaanka & ama lagu baabi’iyo go’aan si qaldan u dhacay.

Koobka Adduunka 2026 ee Bisha June lagu qabanayo Maraykanka, Kanada & Maksiko waxaa lasoo kordhin doonnaa shuruuc kale oo lagu ilaalinayo Waqtiga, Nidaamka iyo go’aamada qaraar ee Garsoorka uu qaato si looga fogaado buuq iyo niyadjab culus.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Galmudug oo guullo ka sheegatay howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ka dhacay Dowlad-Goboleedkaas

Read Next

Trump oo jab Militari, dhaqaale & mid Siyaasad kala kulmay duullaanka Iiraan