Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso
Dowladda Turkiga ayaa hambalyo u dirtay Soomaaliya xilli ay u dabaal-degayso 65-guurada maalinta xorriyadda.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa loogu hanbalyeeyay Soomaaliya iyagoo muujiyay sida ay Turkiga uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya,
Turkiga ayaa ah xulafo u dhow Soomaaliya waxuuna bixiyay gargaar bini’aadannimo iyo taageero horumarineed oo lagu xoojinayo xasilloonida iyo kobaca dhaqaale ee dalka.
Sanad guurada 65-aad ee maalinta madax-bannaanida Soomaaliya ayaa lagu xusayaa halgankii loo soo maray gobannimada dalka
Munaasabadaan ayaa sidoo kale lagu maamuusayaa naf-hurnimadii iyo dadaalkii ay bixiyeen dad badan oo Soomaali ah si loo helo qaran madax-bannaan.
Dowladda Turkiga ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaysa mashaariic badan oo dalka ka socda, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo barnaamijyo waxbarasho oo lagu horumarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed.
Iskaashiga sii kobcaya ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sare u qaadaya rajooyinka horumarka mustaqbalka dhow iyo midka fogba.
Mustaqbal
