Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir ay lahaayeen Madaxda Taliyayaasha AMISOM,Miltaraga Soomaaliya, wakiillo ka socday AMISOM,Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo waddamada taageera Soomaaliya.

Kaddib shirka oo socday shan maalmood ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen dhinacyada in la fuliyo.
Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah beegsiga meelo gaar ah oo ay ku suganyihiin Al-shabaab,loona arko in ay ka soo abaabulaan weerarrada ka dhanka ah Dowladda iyo AMISOM.

“qorshe howleedka aan isku raacnay waxaa uu ka koobanyahay qorshe howled isku xiran si lootaageero qorshaha kala guurka Dowladda Soomaaliya, ka saaridda Al-shabaab meelaha ay ku dhuuntaan, ilaalinta xarumaha dadka rayidka ah” ayuu yiri Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM.

Mr Mulongo, ayaa sheegay in qorshaha kala guurka Soomaaliya loo fulinayo saddex waji oo kala ah, dhimista Ciidanka, in amnigaxarumaha muhiimka ah ee Muqdisho lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya,in laga hortago weerarrada AL-shabab,lana kordhiyo howlgallada lagu furayo waddooyinka dhulka ah, si ciidanka Dowladda looga taageero la wareegidda amniga dalka ee muddada dheer.

Waxaa uu taliyayaasha AMISOM ka codsaday in ay si dhow ula shaqeeyaan Taliyayaasha Soomaalida si loogu guuleysto qorshe howleedka ay dejiyeen.
Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa ku baaqay in loo baahanyahay ku lug lahaansho xoog leh oo xagga Soomaalida ka yimaada six al kama dameys ah looga gaaro arrimaha Soomaaliya.

Gen. Charles Tai Gituai, oo ah Taliye ku xigeenka AMISOM sidoo kalena ah madaxa dejinta qorshaha howlgallada ayaa sheegay in loo baahanyahay wada shaqeynta labada dhinac si qorshahan ka dhanka ah Al-shabaab loogu guuleysto.
