Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Sameh Shoukry Abdelatty, iyagoo ka wada hadlay arrimo quseeya xiriirka labada dal iyo amniga gobolka.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray ka qaybgalka ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM, oo lagu taageerayo dadaallada nabadgelyo iyo xasillooni ee Soomaaliya.
Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya siiso, isaga oo xusay in la sii xoojiyo iskaashiga ku dhisan taariikhda iyo qiyamka ay wadaagaan labada dal.
Dhankiisa, Wasiir Abdelatty ayaa ammaanay hormarka iyo isbeddellada togan ee xiriirka Masar iyo Soomaaliya, isagoo mar kale muujiyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo horseeda nabad, xasillooni iyo barwaaqo ka hanaqaada Geeska Afrika.
Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dadaallada lagu diyaarinayo ka qaybgalka Masar ee AUSSOM, wuxuuna ku adkeeyay muhiimadda maalgelin caalami ah oo waarta si loo xaqiijiyo guusha howlgalkaas.
Cairo waxay mar kale xaqiijisay taageerada ay u hayso dadaallada Soomaaliya ee dhismaha hay’adaha dowladeed, nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo ku baaqday midnimo iyo wada-shaqeyn dhexmarta hoggaanka Soomaaliyeed si wax looga qabto caqabadaha amni ee taagan.
Labada wasiir ayaa isla garteen in la xoojiyo iskaashiga dagaalka AS si loo xoojiyo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka ay ku xirantahay ficil wadajir ah iyo midnimo goboleed.
Ugu dambayn, labada dhinac ayaa ku ballamay inay sii wadaan iskaashiga dhow ee heer gobol iyo heer caalami si ay uga jawaabaan caqabadaha wadajirka ah isla markaana u xoojiyaan nabad, horumar iyo xasillooni guud ahaan Geeska Afrika.
Mustaqbal
