Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi
Somaliland ayaa ku dhawaaqdey in ay walaac xooggan ka muujineyso xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya si gaar mudo kororsi loo sameeyo madaxweynaha mudo xileedku dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Somaliland ayaa madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ku eedeysay “in uu xasilooni darro iyo dagaal sokeeye u horseedayo Soomaaliya iyo Geeska Afrika”.
Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland ayaa shacabka Muqdisho waxay ugu baaqdey ina in ay Ilaashadaan xasiloonidooda iyo nabad-gelyadooda.
“Waxaan u soo jeedinaynaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay in ay sii wadaan xayiraada hubka ee Soomaaliya. Waxaan ka dalbaneynaa in Beesha Caalamka in ay sii laba jibaaraan dedaalada ay ku xaqiijinayaan in Soomaaliya waqtigan hubanti la’aanta aysan ka dhicin talaabooyin kale,” ayay tiri wasaarada arimaha dibada Somaliland.
Horaantii asbuucan ayay ahayd markii Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu muddo kordhin laba sano ah u sameeyay maamulka madaxweyne Farmaajo.
Beesha Caalamka ayaa si weyn uga hor-timid muddo kordhintaas, waxaana ay ku baaqaan in dib loogu wadaxaajoodyadda isla markaana xal deg-deg ah gaaraan.
Mareykanka, Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa ku goodiyey in ay xayiraadyo socdaal, lacag iyo talaabooyin kale ka qaadayaan dadka curyaaminaya wadahadaladda.
Muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne Farmaajo ayaa dhamaaday 8-dii Febraayo, sanadkan 2021-ka. Baarlamaanka wuxuu waqtiga ka dhamaadey dhankiisa 27-dii December, 2020-kii balse hada waxa ay doonayaan mudo laba sano ah in loo kordhiyo mudo xileedka.
