Sergio Aguero: “Aad baan ugu faraxsanahay kooxdeyda meelna ugama socdo”

Gool dhaliyaha kooxda Man City iyo xulka Argentina Sergio Aguero ayaa si cad uga hadlay mustaqbalkiisa kooxda reer Manchester ee City.

30 jirkaan ayaa haatan kujira  xilli ciyaareed cajiib ah isagoo shabaqa soo taabtay 23 jeer 30 kulan oo uu saftay xagaagan.

Xidigaan ayaa ka mid ah xidigaha lahadal haayay in ay kooxda City ka tagayaan balse isaga ayaa markan si cad uga hadlay mustaqbalkisa City wuxuuna yiri”

“City runtii koox guulo waana koox koob mana laga yaabo in aan ka tago xiligaan kumana fikiraya inaan boxo walina waan jeclahay kooxda iyo maamulka guud” ayuu yiri Aguero oo wareysi gaar ah siiyay The Mirror.

Aguero ayaa dhaliyay 222 gool 98 kulan oo uu saftay Premier League tan iyo markii uu ka yimid Atletico Madrid sanadkii 2011.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Wetangula: “Madaxweynaheenna waa in uu xoojiyo kooxdeena ICJ, waan ka guuleysan karnaa Somaliya”

Read Next

Jeesoow: “Dal cadow nagu tilmaamay ciidankiisa ma aamini karno”