Sawirro: Wasiirka Difaaca Turkiga oo soo gaaray Muqdihso.

Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed  oo ay wehliyaan qaar kamid ah Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyey Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Turkiga.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga ee soo gaaray magaaladda Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dawladda Turkiga iyo Masuuliyiin kale.

Ujjeedka Imaanshaha Muqdisho ee Wafdigaan ayaa ah siddii dawladda Turkiga ay usii dar dar gelin laheyd taageeradda howlaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo gacan weyn ay ka geeystaan.

Wasiirka Wasaaradda Difaaca dawladda Turkiga iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin Muqdisho in kulamo kala duwan ay la qaataan Madaxda sare ee dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, kulamadaasi oo looga hadli doono dib u dhiska Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

 

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Mustaqbal media

Read Previous

Shariif Xasan oo ku dhawaaqay inuu iska casilay madaxtinimada K/galbeed

Read Next

Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiga