Qiimaha Hilibka Geela oo sare u kacay, ka dib markii lagu soo rogay canshuuro dheeraad ah

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa maanta laga waayay Hilibka Geela oo si bulshada Soomaaliyeed ay si maalin leh u cunaan.

Sida noo xaqiijiyeen Ganacsatada Hilibka Geela, Dowladda ayaa canshuuro dheeraad ah ku soo rogtay Geela xilliyada la keenayo suuqyada magaalada Muqdisho.

Ganacsatada ayaa sheegay in Dowladda dalbatay canshuur gaareysa $7 Dollar, iyadoo ay u sii dheertay goobo kale looga qaado canshuuraha.

Arrintaan ayaa sababtay in ay kororto qiimaha Geela ee magaalada Muqdisho, iyadoo Kiilada Hilib ee la iibin jiray $6 Dollar, hadda tahay $8.

Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Cirro oo qiray in Nidaamka E-visa culeys ku yahay deegaannada Maamulkiisa

Read Next

Golaha Wasiirrada oo cambaareeyay Booqashada Cirro ee gudaha Israel