Muqdisho: 6 qof loo qabtay Al-shababnimo

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhoigay Lix qof oo midi haweeney tahay kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa soo bandhigay lixda qof,Labo Baskoolad,Shan Bambo, Computer iyo Codbaahiye,waxaa kale oo ay wateen Dukumiinti la sheegay in laga soo dhiibay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Maxamed Cabdullahi Tuulah iyo Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid,  Axmed Maxamed Xasan Geeddow  ayaa ugu baaqay dadka degaanka in ay iska hubiyaan dadka ay guryaha ka kireynayaan.

Dadka la soo qabtay ayaa lagu wareejiyay Hay’adda dambi baarista ee C.I.D ee Muqdisho,halkaas oo baaritaan lagula sameynayo.

Maamulka Yaaqshiid ayaa lixda qof ku sheegay in ay qirteen ka mid ahaanshaha Al-shabaab,waxaana lagu soo bandhigay Saldhigga Degmada Yaaqshiid ee Muqdisho.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Ciidanka Itoobiya oo xiray qaar ka mid ah mas’uuliyiintii dowlad degaanka

Read Next

Mogadishu: Security forces nabbed 6 Suspects among a Female