Militeriga Suuriya oo gacanta ku dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Tabqa

Dowladda Suuriya ayaa ku dhowaaqday inay si buuxda gacanta ugu dhigtay magaalada istiraatiijiga ah ee Tabqa, garoonkeeda diyaaradaha ee ciidanka iyo biyo-xireenka weyn ee Webiga Furaat, ka dib markii ay halkaas ka saareen xoogagga Kurdiyiinta.

Wasiirka Warfaafinta Suuriya, Xamsa Al-Mustafa ayaa xaqiijiyey in ciidanka dowladda ay hadda si buuxda u sugayaan amniga magaalada Tabqa iyo biyo-xireenka ugu weyn dalka Suuriya.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeyay Maleeshiyaadka PKK iyo SDF ee laga saarey magaalada in ay dileen dad maxaabiis ah iyo shacab aan waxba galabsan.

Sida ay sheegayaan weriyeyaasha caalamiga ah, ciidanka dowladda ayaa hadda culayska milatary ka soo wareejiyey gobolka Xalab, iyagoo u weecday dhanka gobolka Raqqa.

Muddo ka yar 24 saac gudahood, ciidanka dowladda ayaa gacanta ku dhigay deegaanno dhowr ah oo ay horay u xukumi jireen xoogagga SDF ee hoosta Kurdiyiinta.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka ka dhacay duleedka degmada Warshiikh

Read Next

Mareykanka oo Ciraaq ku wareejiyay saldhiga weyn oo ku yaalla galbeedka wadankaasi