Midowga Afrika oo diiday Qorshaha Tramp ee Bariga dhexe.

Urur Goboleedka Midowga Afrika ayaa iska diiday qorshaha Nabadda Bariga Dhexe ee Madaxweynaha Maraykanka Donald J Trump uu dhawaan ku dhawaaqay.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muuse Faki Maxamed ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynaha 33-aad ee Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika oo maalintii labaad ka socda Xarunta Dhexe ee AU-da ee Addis Abeba.

Waxa uu tilmaamay in ay dalalka Afrika taageero u muujinayaan Qaddiyadda dadka Reer Falastiin.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muuse Faki Maxamed

Waxa uu tilmaamay in Qorshaha Trump uusan ahayn mid Beesha Caalamka ka tashadeen, isla markaana uu Heshiiskaasi ku xad-gudbayo Xuquuqda Asaasiga ee Reer Falastiin.

Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi, ahna Guddoomiyaha sannadlaha ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Alsisi oo isna ka hadlay Shirka Madaxda Afrika waxa uu sheegay in Arrinta Falastiin mar kasta tahay mid ku xardhan Quluubta dhamaan dadka Afrikaanka.

Image may contain: 1 person
Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Sayral Ramafoosa oo isaga Madaxweynaha Masar kala wareegay Xilka Meertada ee Guddoomiyaha sannadkan ee AU-da waxa uu is-barbar dhigay Hindisaha Madaxweyne Trump soo bandhigay uu la mid yahay Nidaamkii Midab-takoorka ee ka jiray dalkkiisa.

Image may contain: 1 person
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Sayral Ramafoosa

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim oo isaga si caadi ah uga qeyb gala Shirarka Madaxda Afrika goobjoog kama ah Shirka sannadkan ka furmay Ethiopia.

Dowladda Maraykanka ayaa la filayaa in ay Codka Diidmada Qayaxan ku hor joogsadaan Codsiga Madaxweyne Abu Maasim ku doonayo in lagu cambaareeyo Qorshaha Trump ee uu isbuucii hore soo bandhigay.

MM Staff

Read Previous

Kalluumeysato raq iyo ruux la waayey oo meydkooda laga helay!

Read Next

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Magacaabay Guddiga soo xulista Xildhibaanada Maamulkaasi.