Maxkamad ku taalla Australia oo xabsi daa’in ku xukuntay Haweeney sun ku dishay qoyska Nin ay kala tageen!

Maxkamad ku taalla Australia ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay Erin Patterson kaddib markii ay sun ku dishay saddex kamid ah qoyska Nin ay kala tageen halka dhaawac daran uu suntaas kala kulmay qof kale sida lagu sheegay eedaha loo jeediyay.

Erin ayaa qadasho ku marti qaadday xubnahaan inkasta oo la sheegay in uu ka cudur daartay Ninkii ay kala tageen, kaddib waxa ay sun u marisay hilibkii ay cuneen Dadkaas oo markii dambe dhintay, dhacdadaan oo dhacday Bishii July sanadkii 2023 ayaa tan iyo xiligaas la baarayay.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in aanay jirin qoomamo ay haweenaydaan ka muujineyso ficilkaas galaaftay nolosha saddex ruux iyo dhaawaca joogtada ah ee qofka kale soo gaaray, waxa uu dalbaday in aan laga qafiifin xukunkaas ku dhacay ee xabsi daa’inka ah.

Dadka ee dishay ayaa kala ah: Hooyada iyo aabaha ninka ay kala tageen iyo walaashiis, lama sheegin colaadda intaas la ee sababtay in ay dil wadareed arxan-daran ay u gaysato qoyskaas sida lagu sheegay warka kasoo baxay dacwad oogaha.

Erin Patterson oo ah 50 jir waxaa ay qaadanaysaa xabsi aan racfaan lahayn isla markaana aan laga qafiifin doonin, waxaa la sheegay in kiiskeeda uu saamayay guud ahaan dalka Australia maadaama arrinteeda ay la socdeen Dad badan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa & MW Soomaaliya oo qayb ka ah

Read Next

Itoobiya oo maanta daahfuraysa Biyo xireenka dhismihiisu isku qabteen Masar