Masar:-Waxaan gacanka Siinaay ku dilnay 89 qof oo xiriir la leh ISIS.

Ciidamo milateri ayaa lagu arkay Waqooyiga Siinaay, Masar, December 1, 2017. REUTERS/Mohamed Abd El Ghany/File Photo

Milatariga Masar ayaa sheegay in Axada maanta ah ay dileen 89 qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin falaagada hawlgallo ay ka fuliyeen Waqooyiga Sinai, oo ah gobol weeraro ka gaystaan kooxda la baxday Dawladda Islaamka muddo toban sano ku dhow.

“Iyada oo ay jiraan dadaallo socda oo lagu baacsanayo laguna jebinayo canaasiirta argagixisada … muddadii hore, ciidamada qalabka sida … waxay fuliyeen hawlgallo lagu dilay 89 takfiir oo khatar ku ah … waqooyiga Sinai,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka.

Isagoo adeegsanaya erayga “takfiir” oo uu ula jeedo kooxda mitidiinta ah, ma uusan cayimin waqtiyada hawlgalku dhacay, laakiin wuxuu sheegay in ciidanku ay soo gaareen khasaare kooban.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay burburiyeen 404 walxaha qarxa (IEDs), afar suun oo qarxa iyo 13 godad oo ay kooxdu ku leheed saldhigyo ciidan.

Sawirro naxdin leh oo laga qaaday qaar ka mid ah malayshiyaadkii la tuhunsanaa ee la dilay ayaa lagu daabacay bayaanka, oo ay weheliyaan hub badan oo la laga qabsaday.

Ciidamada Masar ayaa sanado badan dagaal ka waday gacanka Siinaay, oo ay ku suganyihiin dagaal yahano ka tirsan ISIS.

Weerarada ayaa sii batay tan iyo markii ciidanka ay xukunka ka tuureen sanadkii 2013 madaxweynihii Masar Maxamed Mursi oo ka tirsanaa Ikhwaanul Muslimiinka.

Laga soo bilaabo Febraayo 2018, Dowladdu waxay dalka oo dhan ka waday hawlgal ka dhan ah dagaalyahanada ku kacsan, oo inta badan diiradda lagu saaray Waqooyiga Sinai iyo Saxaraha Galbeedka ee dalka.

Qiyaastii 1,060 qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin mintidiin iyo daraasiin ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay Sinai, sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah.

Ma jiraan tiro dhimasho ah oo si madax-bannaan loo helay oo la heli karo maadaama Waqooyiga Siinaay ay ka reeban tahay suxufiyiinta.

MM Staff

Read Previous

Senator Xuseen:-Waxaa la gaari doonaa waqti rabitaanka shacabku shaqeeyo!

Read Next

Boosas shaqo oo ka banaan Women Pioneers for Peace and Life – HINNA