Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa muwaaddiniinta Mareykanka looga digay in ay u safraan Soomaaliya.
Warbixinta digniinta ah waxaa lagu sheeay in Soomaaliya ay wali tahay meel halis ah,qatar dhinac kasta ahna ka jirto sidoo kalena ku badanyihiin dambiyada.
‘Dilka, Afduubka iyo dambiyada kale ayaa ka dhaca Soomaaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland, waxaana ku badan jidgooyada sharci darrada ah’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.
Warbixinta Digniinta ah ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ah ay qorsheynayaan weerarrada Dekadaha,Garoomada Diyaaradaha, Dhismayaasha Dowladda,Hoteellada, Suuqyada iyo meelaha kale ee ay dadka ku badanyihiin gaar ahaan Reer Galbeedka.
Muwaaddiniinta Mareykanka ayaa looga digay in ay maraan Biyaha Caalamiga ah ee u dhow biyaha Soomaaliya,maaddaama sida warbixinta lagu sheegay uusan Mareykanka xafiis Qunsuliyadeed oo rasmi ah ku lahayn Soomaaliya,sidoo kalena caawin deg deg ah siin karin muwaaddiniintiisa haddii ay qatar ku galaan biyaha Soomaaliya ama kuwa ku dhow ee Caalamiga ah.
