Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Jabuuti

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gaaray Dalka Jabuuti.

Dalkaas waxaa ka furmaya Shirka iskaashiga Waddamada Afrika iyo China,waxaana sanadkan marti gelisay Dowladda Jabuuti.

Madax ka socota Dalka China iyo kuwa Qaaradda Afrika ayaa shirkan ka qeybgelaya waxaa kale oo xubnaha ku casuuman ka mid ah Ganacsatada iyo Warshadleyda Afrika iyo China.

Sidoo kale waxaa lagu casuumay Ganacsato ka socda Mareykanka iyo Europe,kuwaas oo dowladda China ay sheegtay in ay shirka ka baran karaan habka wanaagsan ee maalgashiga China.

Shirkan waxaa uu soconayaa ilaa todobada Bishan,waxaana xoogga lagu saarayaa horumarinta Ganacsiga ee China iyo Afrika.

General Editor

Read Previous

Sheffield: Guddoomiye Magid oo Trump ka mamnuucay Magaalada Sheffield

Read Next

Baarlamaanka Itoobiya oo liiska argagixisada ka saaray Ururka ONLF.