Lio Messi oo rikoor cajiib ah ka dhigay La Liga kadib guushii Atletico.

Kabtanka kooxda Barcelona iyo xulka Argentina Lio Messi ayaa xalay rikoor cajiib ah ka sameeyay horyaalka La Liga kadib guushii cajiib ka aheyd oo uu ka gaaray kooxda atletico Madrid.

Messi ayaa xalay  jibiyay rikoor La Ligaha ah oo u yaalay goolhayihii hore Real ee Iker Casillas taasi oo ku aadan dhanka guulaha horyaalka.

Wargeyska Marca ayaa sheegaya in  Messi uu noqday laacibka ugu guulaha badan taariikhda horyaalka La Ligaha isaga oo badiyay kulankiisii 356-aad halka Iker Casillas uu ku istaagay 355

Dhanka kale  goolkii xalay uu dhaliyay ayuu Messi ku gaaray goolkiisii 33-aad ee La ligaha isaga ayaana hogaanka gool dhalinta horyaalkaas.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Task force to co-ordinate regional interventions

Read Next

Man United oo £40m ku dooneysa Ryan Sessegnon.