Kulan dhexmaray Jen. Caanood iyo Maamulka Magaalada Marka

Magaalada Marka oo xarunta Gobolka Shabeellaha hoose waxaa =uu xalay kulan ku dhexmaray Abaanduulaha xilka ka sii degaya ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Cabdullahi Cali Caanood iyo Maamulka Magaalada Marka.

Labada dhinaca ayaa ka wada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa amniga Maamulka Magaaladana uu shaqadiisa dib ugu billaabi lahaa.

Guddoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumar Macalin ayaa sheegay in kulanka dhexmaray labada dhinaca la isku afgartay in Ciidamada dowladda ee la wareegay Magaalada ay sii joogaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in dowladda dhexe ay ka codsadeen in Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska la geeyo Magaalada si maamulka uu dib ugu billaabo shaqooyinkiisii caadiga ahaa.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayyi Xasan ka codsaday in ay dib u dhis ugu sameyso xarumihii Maamulka oo ku burburay dagaallada Malleeshiyo beeleedka isku horfadhiya gudaha Magaalada iyo dagaalka Al-shabaab.

Dhina Jen.Caanood waxaa uu Malleeshiyo Beeleedyada ku amray in qolo kasta ay joogto halka ay hadda ku sugan tahay oo aysan sameyn dhaq dhaqaaq colaadeed hor leh.

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Kenya signals Somalia troops withdrawal with budget cut

Read Next

Kenya oo mamnuucday in Agabka ay leeyihiin Ajaanibta la saaro Gawaarida aadda W.Bari