Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida ay sii daayeen Markab sida Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada Turksom ee magaalada Muqdisho.
Saanadan ayaa la soo warinayaa in ay saaran tahay Markabka M/V Lutuf oo ku gooshayay calanka dalka Cameroon, kaasi oo ay qabsadeen kooxo hubeysan xilli uu marayay biyaha Gobolka Nugaal.
Sida ay ilo xog ogaal ah sheegeen, Markabka iyo Saanada ciidan ayaa badqaba, iyadoo la filayo inuu maalmaha soo socdo ku soo xirto Dekadda magaalada Muqdisho.
Lama oga in Kooxaha Burcad-badeeda ay lacago ka qaateen Markabka iyo Saanada Ciidan.
Maraakiibta dagaalka ee Turkiga maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Xeebaha gobolka Nugaal, halkaasi oo la sheegay in ay ka fuliyeen Duqeymo lala beegsaday kooxaha burcad-badeeda.
Duqeyntii ugu dambeysay, gantaal ayaa lagu dhuftay doon yar, iyadoo ay ku dhinteen 7 ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Afduubka M/V Lutuf ayaa noqonaya kii 13-aad ee sannadkan 2026 ay afduubtaan Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida oo soo laba kacleeyay.
Mustaqbal
