Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed, Wareegto ka soo baxday shaqadii looga joojiyey hawlwadeeno ka kala tirsan maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad.
Guddoomiye Baashe ayaa 9 kaaliye oo Xubno ka ahaa Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka iyo Racfaanka shaqada ugu joojiyay.
Shaqo joojinta ayaa timid kadib markii ay badatay cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen dadweynaha u aada adeegga cadaaladeed oo loogu shaqeyn waayay sida sharcigu qabo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka isagoo ka duulayo Cabashada waxa uu qaatay go’aankaan oo shaqo ka joojinta ah Xubnaha ku lug yeeshay Arrintaan.
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay Shir Saddex Saddex geesood ahaa oo u dhaxeeyay Madaxda Garsoorka, Taliska Booliiska iyo xubno kale oo lagu Casuumay, waxaana goobjoog ka ahaa oo kulanka furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Shaqo joojinta ayaa timid kadib markii ay badatay cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen dadweynaha u soo doonta adeega cadaaladeed oo loogu shaqeyn waayay sida sharcigu qabo, kadib markuu ku qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi.
”Markaan arkay cabashada joogtada ah ee ka taagan Kaaliyeyaashan,markaan arkay kuna qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir,markaan arkay kuna qancay in danta cadaaladda ay ku jirto in shaqada laga joojiyo kaaliyeyaashan” ayuu yiri Gudoomiye Baashe.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa faray Maxkamadaha Racfaanka Gobolka iyo degmooyinka Gobolka Banaadir iney amarkaan siduu yahay u fuliyaan.
27-kii May sanadkan 2018, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garyaqaan Baashe Yuusuf u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, 29-kii Bishaas waxa loo dhaariyay Xilka loo Magacaabay.
Gudoomiye Baashe ayaa sheegay in uu wax ka qabanayo Cabashada Dadka ka tabanaya Cadaalad Darrada ama aan si ay ku qancaan loogu qaban Kiisaaska Garsoorka oo ay u tagaan Maxkamadaha.
