Jubbaland oo soo bandhigtay Xubno ka soo goostay Al shabaab.

Hay’adda Nabad Sugida Jubaland ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Kismaayo kusoo bandhigay sideed ruux oo la sheegay in ay kasoo goosteen ururka Al-Shabaab.

Shaqsiyaadkan ayaa isku dhiibay hay’addaha nabad-gelyadda Jubbaland, sidda ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland.

Image may contain: 7 people, people sitting and outdoor

“Waxaa baaris dheer kadib la geeyay xarunta lagu dhaqan celiyo dhalinyarada ka waantowda fikirka qaldan ee ay umadda ku dhibaateeyaan kooxda nabad-diidka ah ee Al Shabaab,”  ayuu yiri sarkaal u hadlayJubbaland.

Image may contain: 3 people, people sitting

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada maamulka Axmed Madoobe oo kasoo baxay dhanka Al shabaab.

Todobaadyadii lasoo dhaafay, ciidanka Jubaland ayaa waday howlgalo ay ka fulinayaan degaano ka tirsan Jubbooyinka, waxaana ay kusoo furteen saanad ciidan isla markaana xubno soo qabtay.

Maamulka Jubaland ayaa kamida degaanada ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, iyadoo gobolka Jubadda Dhexe oo idil ay gacanta ugu jirtaa xoogagaas Al shabaab.

Image may contain: 2 people, people sitting and beard

News Editor

Read Previous

Mr Anyanga: “Waxaan Muqdisho ka tagay anigoo dareemaya rajo ay ku dheehantahay awooda dadka iyo dowladdooda.

Read Next

Gudoomiyihii Bangiga dhexe ee Puntland oo diiday Xilka qaadis lagu sameeyay.