Israa’iil oo Calankeeda ka taagtay Koofurta Lubnaan & Xiisad ka dhalatay arrintaas oo taagan  

Buuq xooggan ayaa ka dhashay kaddib markii Israa’iil ay calankeeda ka taagtay Qalcadda Al-Shaqif ee dhacda Koofurta Lubnaan halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Yuhuudda ay ka wadeen duqaymo iyo beegsi gaar ah.

Ciidanka Israa’iil ayaa la sheegay in ay ka gudbeen Webiga Litani iyaga oo gaaray qalcaddaas, waxaa dhanka kale socda kacdoon ka dhan ah dhul-ballaarsiga Yuhuudda ay ku doonayso in ay ku qabsato qayb kamid ah Koofurta Lubnaan.

Waxaa qalcaddaan lagu magacaabo Al-Shaqif u dhow buun dhowaan sidaan oo kale oo Israa’iil uga taagtay Calankeeda balse Dhallinyaro kamid ah kuwa Lubnaan ee Deegaanka ah ay siibeen sida ka muuqata muuqaal horay looga soo duubay.

Weerarrada Israa’iil ee Bariga Dhexe ayaa horay loo sheegay in ay ku hoos qarinayso Dhul-ballaarsi ay doonayso inay ka samayso Falastiin, Lubnaan, Suuriya & Dalal kale oo dhaca Qaaradda iyada oo duqaymo iyo weerarro dhulka ah isugu darayso.

Shacabka Lubnaan ayaa ka dhega-furaystay hadallada uga imaanaya Israa’iil oo marar badan Digniin gaar ah u dirtay sida ay isaga guuraan goobo ay ku sheegtay qad cas oo bartilmaameed u ah balse ay ogaadeen in ay doonayso sidii ay u qabsan lahayd.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maamulka Cirro oo billaabay qorshe ka dhan ah Culimada diidan ku xiranka Israa’iil

Read Next

FIFA oo Koobka Adduunka dhaqangelinaysa labo arrin oo loo adeegsanayo VAR