IGAD oo war ka soo saartay faragalinta Israa’iil ku heyso arrimaha Soomaaliya

Urur Goboleedka IGAD ayaa si kulul uga hadlay Safaaradda Maamulka Waqooyi Galbeed sheegay in ay ka furteen magaalada Qudus ee la heysto, iyagoo tillaabadaasi ku tilmaamtay mid dhaawaceysa Midnimada dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka ayaa lagu sheegay inuu cadyahay Mowqifkooda ku aadan Madaxbanananida Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in la ixtiraamo Sharciga caalamiga ah.

IGAD waxay la socotaa wararka sheegaya in Safaarad Somaliland ka furatay Magaalada Qudus, waxaan mar kale ku celineyna in la ixtiraamo midnimada iyo bedqabka dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Ururka Goboleedka IGAD.

Sidoo kale, Ururka ayaa tilmaamay in tillaabooyinkan ka dhanka ah Midnimada Soomaaliya ay dhalin karaan xasilooni darro gobolka, isla markaasna laga feejignaado.

Go’aanka Urur Goboleedka IGAD ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan ay Dowladda Federaalka ay Ururada Caalamiga ah iyo kuwa gobolka ugu baaqday in ay ka hor yimaadaan faragalinta ay Israa’iil ku heyso arrimaha Soomaaliya.

Ururo iyo Dowlado caalami ah ayaa garab istaag u muujiyay Dowladda Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in la la ixtiraamo Midnimada Soomaaliya.

Mustaqbal

 

 

MM Staff

Read Previous

Sacuudiga oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya

Read Next

Cirro oo qiray in Nidaamka E-visa culeys ku yahay deegaannada Maamulkiisa