Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxda Jasiiradda Cyprus oo Kulmay.

Kulanka Gudoomiyaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo xubno katirsan Golaha Shacabka ayaa la kulmay Madax katirsan Jasiiradda Waqooyiga Turkiga dhacda ee Cyprus.

Waxa uu la kulmay Gudoomiye Mursal Madaxweynaha Cyprus-ta Waqooyi Mustafa Akinci, Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Tufan Erhurman, iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Kudret Özersay.

Xiriirka labada Dowladood, iskaashiga iyo sidoo loo xoojin lahaa ayay ka wada hadleen sida mas’uuliyiin labada dhinac katirsan ay Warbaahinta u sheegeen.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka qayb galay 35-sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay Jasiiradda Waqooyiga Cyprus ee Jamhuuriyadda Turkiga.

November 15, 1983-dii ayaa la aas-aasay Jamhuuriyadaan, waxaana laga isticmaalaa lacagta Turkiga ee Liraha.

Daraasad la sameeyay 30-kii September 2018-ka waxaa dadka kunool Jasiiradaan lagu sheegay in ay kordheen oo tiro ahaan ay gaarayaan 1.11 Million oo qof.

Soo dhoweynta Gudoomiye Mursal
Sawirka Madaxtooyada uu Gudoomiye Mursal kula galay Madaxda Cyprus
Kulanka kadib Sawirkii Madaxda ay galeen

Mustaqbal media

Read Previous

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal Galmudug iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Galgaduud.

Read Next

Dowladda Federaalka oo soo dhoweysay Xarigga KorneyI Gabre.