Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka DG Puntland oo maanta hortagaya Golaha Wakiilada.

Guddiga KMG ah ee DG Puntland u qaabilsan Doorashada Dadweynaha (TPEC) ee nidaamka Xisbiyada ayaa maanta hortagaya Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedkaas si uu warbixin guud uga siiyo halka uu wax marsiinayo & qorshaha uu damacsan yahay Guddigaan.

Warbixinta kaddib, Xildhibaannada Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa lagu wadaa in ay su’aalo weydiiyaan xubnaha Guddiga KMG ee Doorashada qof & codka ah qabanaya si ay u helaan macluumaad dhammeystiran.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa loo diray fariin ku saabsan Fadhiga 19-aad ee Kal-fadhiga 50-aad ee Baarlamanka maadaama mudanayaasha ay dib uga soo laabanayaan Fasaxa maalmaha ciidda oo ay galeen todobaadkii hore.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka DG Puntland ayaa Degmooyinka Qardho, Ufeyn & Eyl ku qabtay Doorasho tijaabo ah kaddib markii Shacabka saddexdaas Magaalo la siiyay kaararka aqoonsiga lana diiwaangeliyay.

Mas’uuliyiin katirsan Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in ay xoojiyeen kulamada ay la qaadayaan Bulshada rayidka, Siyaasiyiinta, Daneeyaasha Doorashada & cid weliba oo ay u arkaan in ay wax kusoo kordhin karto.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

India oo ballanqaaday in ay gacan ka geysaneyso gurmadka loo uruurinayo Dadka Abaartu ku saameysay Soomaaliya.

Read Next

Maxay kawada hadlayaan Saraakiisha Militariga Ruushka, Ukraine, Turkiga & QM ee maanta ku ballansan Magaalada Istanbul?