Golaha Shacabka oo u codeeyay Sharciga Jiheynaya Doorashooyinka.

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyey in muddo aan ka badnayn laba sano ay xilka sii haynayaan hay’adaha dawladda si doorasho toos ah dalka looga qabto.

Qaraarkan ay baarlamaanku ansixiyeen, qodobkiisa 5-aad ayaa guddiga doorashada ee madaxbannaan u celinaya mas’uuliyadda ah inay dalka ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan, muddo aan ka badnayn laba sano oo ka bilaabata marka uu madaxweynhu saxiixo sharcigan.

Sidoo kale qodobka 8-aad ee sharcigan ayaa dhigaya in “hay’adaha dastuuriga ah ee heer federal oo awooddoodu u dhameystiran tahay ay waajibaadkooda u gudanayaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka muddada ku xusan qodobka 5-aad ee sharcigan.”

Qaraarkan waxaa u codeeyey oo oggolaatay 149 xildhibaan, waxaana loo baahnaa 139 cod.

Qaraarkan waxaa kasoo horjeestay musharrixiinta madaxweynenimo ee mucaaradka oo sheegay inay tallaabo muddo korodhsi ay tahay sharci darro, waxayna ka digeen halis.

Halkaan ka aqri Sharciga ay Baarlamaanku meelmariyeen.

No photo description available.No photo description available.No photo description available.No photo description available.

MM Editor

Read Previous

Candidates Union: “The international community must talk to Farmajo who is destroying the country”.

Read Next

Farmaajo oo qaaday talaabo lagu burburinayo heshiiskii 17 Sebtember 2021.