Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi
Hay’adda ugu sarraysa Kubadda FIFA oo muddooyinkaan ku howlanayd wax ka baddelka shuruucda muddo lagu dhaqmayay iyo soo kordhinta kuwo cusub ayaa meelmariysay xeerar hadal hayn dhaliyay oo lagu dhaqangeliyo Koobka Adduunka 2026.
Shuruucdaan waxaa loogu talagalay in lagu xakameeyo waqtiga badan ee ku baxa kubadda cagta ee sababta in daqiiqadahaas dib looga daro, si meesha looga saaro arrintaas ayaa loo sameeyay sida ay sheegtay in Hay’adda FIFA.
Qodobada sannadkaan soo kordhay ayaa kala ah:
1-Tirinta kubadda dhina garoonka laga tuurayo ee Fooro gacanta loo garanayo oo aan ka badnaan Karin 5 Ilbiriqsi, haddii ciyaaryahanka uu ka waqti badsado Xulka kale la siinayo.
2-Kubadda uu soo billaabayo Goolhayaha oo haddii uu 5 ilbiriqsi ka badan laga sugo in uu soo darbeeyo ama baasto Xulka kale la siinayo Gees ka laad (Koorno).
3-Waqtiga baddelka Ciyaaryahanka waa 10 ilbiriqsi, haddii waqtigaas uu dhammado waxaa uu ciyaaryahanku ka bixi doonnaa meesha u dhow, xulkiisa waxa uu kusii dheelaa 10 ciyaartooy ilaa kubadda ka joogsanayso.
4-Daaweynta Ciyaartoyda oo 1 daqiiqo oo u dhiganta 60 ilbiriqsi laga dhigay, Goolhayaha, Dhaawacyada qaarkood ama haddii ciyaaryahanka dhibaatada gaystay kaar la siiyo waa xaalad kale oo aan waqtigaas lagu dhaqangelin doonin.
5-Ciyaaryahan weliba oo Afka daboosha marka uu jiro muran si aan loo fahmin hadalkiisa waxa uu qaadan doonnaa kaarka casaanka ah, tani waxa ay meesha ka saaraysaa dacwado badan oo horay uga yimid hadallo la is dhaafsaday.
6-Gees ka laadka ama koornada sida ay dadka qaar u garanayaan waala hubin doonnaa weliba si kooban iyada oo la adeegsanayo aaladda Garsooraha Caawiso ee VAR loo garanayo si loo xaqiijiyo kubaddaas waxa ay tahay.
7-Kaarka labaad ee Jaallaha ah ee Casaanka ama roosaha lagu daro oo bixintiisu dood kasoo laabato waxaa lagu xaqiijin doonnaa Aaladda VAR balse haddii qaladka ciyaaryahanka uu galay haddii uu yahay mid bareer ah looma baahan doonno aaladdaas in laga hubiyo.
Jahwareer dhanka fududeynta iyo ilaalinta waqtiga ayaa ka dhalan kara dhaqangelinta qodobadaan maadaama ciyaartoyda qaarkood ay sameeyaan waqti lumin waa marka ay goolasha leeyihiin sida xiliga baddelka, tuurista kubadda & Daweynta dhaawaca.
Mustaqbal
