Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax shalay gelinkii dambe lala beegsaday mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Kenya oo marayay duleedka Mandheera.
Weerarkan waxaa uu ka dhacay Tuulada Sheeg Barroow oo duleedka degaanka Lafeey ku taalla,waxaana uu ahaa Qarax Miino ah.
Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas waxaa ay sheegeen in Gaariga uu bur buray hayeeshee aysan ogayn khasaarah gaaray Ciidamada Kenya ee la socday Gaariga.
Sarkaalka ka mid ah Booliska Kenya ayaa isaguna sheegay in weerarka Lafeey ay ku dhaawacmeen tiro ka mid ah Ciidamada Kenya hayeeshee aysan jirin khasaare dhimasho ah.
Waxaa uu sheegay in Ciidamo dheeraad ah la geeyay degaankaas si loo baacsado kuwa weerarka geystay sida uu hadalka u dhigay.
