Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadlay dagaallo xalay ilaa maanta ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose ee dowladda Somaaliya Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in 10 ka mid ah Al-shabaab ay ku dileen dagaallo ka dhacay wadda xeebta ah ee u dhaxeysa Jilib Marka iyo Gendarshe.
Dhinaca kale Xarakada Al-shabab ayaa sheegtay in 12 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dishay Gobolka Shabeellaha hoose.
Al-shabaab waxaa ay sheegeen in weerar iyo qaraxyo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Wanllaweyn iyo Afgooye ay ku dileen 12 Askari oo uu mid ka mid ah ahaa sarkaal ka tirsan Milataraiga Soomaaliya.
Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga dalku uu sameyey howlgal uu khasaaro badan ku gaarsiiyey dhaqdhaqaqa Al-Shabaabka, waxa ay wakaaladdu daabacday in howlgalkaas oo kadhacay deegaanka Jilib Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose uu ciidanka dowladda Soomaaliya ku dilay 7-ka mid ah Al Shabaab, balse SONNA ma sheegin khasaaraha gaaray dhnaca ciidanka xoogga dalka.

Sheegashada labada dhinaca ayaa ka dhigeysa in xalay ilaa maanta ay 22 qof oo labada dhinac ah ku dhinteen dagaallada ku dhexmaraya Gobolka Shabeellaha hoose,iyada oo uu dhinac kasta guul ka sheeganayo dagaalka.
Mustaqbal Radio
