DFS oo sheegtay in duqayn ka dhacday Mudug lagu dilay 8 xubnood oo katirsan AS

Duqayn ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Danab oo ka dhacay deegaan u dhaxeeya Dabagalo iyo Warshubo ee Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug in lagu dilay 8 xubnood oo katirsan ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.

Howlgalkaan waxaa la sheegay in la fuliyay kaddib markii xog la xiriirta xubnaha la duqeeyay in ay ka timid Dadka deegaanka, saraakiil katirsan ciidamada Deegaanka Baxdo ayaa shaaciyay in ay qayb ka ahaayeen howlgalkaas fulintiisa.

Koofurta Gobolka Mudug waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ay si wadajir ah u wadaan Ciidamo isugu jira Kuwa Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dadka deegaanka ee Macawiisleyda loo garanayo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Trump oo sheegay in uu dib uga laabtay qorshaha uu awoodda ugu furi lahaa marinka Hormuz

Read Next

Loolan siyaasadeed oo ka dhex dhashay Mustafa Cagjar & Cabdi Maxamuud Cumar