Deni oo wadatashi geliyay go’aanka Golaha Shacabka ee Jiheynta Doorashooyinka.

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan wadatashi ah la qaatay Siyaasiyiinta, Aqoonyahannada, Odoyaasha & Ururada Bulshada Rayid waxa uu kala hadlay Xaaladda kala guurka Dalka & waqti kordhinta Golaha Shacabka BFS balse taageerada waysan.

May be an image of 5 people, people standing and people sitting

Deni oo todobaadkii tagay dib ugu laabtay Magaalada Garoowe waxa uu sheegay in wadatashiga socda xal u yahay qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya si meesha looga saaro damaca la xiriira muddo dheereysi labo sano ah ee Madaxtooyada iyo Xeer dejinta si waqtigaas lagu qabtay Door maadaama 4-tii sano ee Madaxweyne Farmaajo lagu guuldareystay.

May be an image of 5 people, people standing and people sitting

Madaxtooyada DG Puntland ayaa rajo ka muujisay in natiijo wanaagsan laga helo kulamada oo ah kuwa sii soconaya maadaama dhinacyada uu la fadhiistay Siciid Cabdullaahi Deni daneynayaan in a helo jawaab ku habboon xaaladda kala guurka ee Dalka oo meel xasaasi ah taagan kadib markii lagu guuldareystay hirgelinta Doorashooyinka Soomaaliya.

May be an image of 2 people, people standing, people sitting and outdoors

Siciid Deni waxa ay dhowr jeer is qabteen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maalmihii wadahalka ee Dheentada Afisiyooni, khilaafka oo sii kordhay waxaa lagu kala tagay Shirka socday muddo dheer.

May be an image of one or more people, people standing and outdoors

Mustaqbal

General Editor

Read Previous

Axmed Madoobe: “Farmaajo Dalka waxa uu u wadaa God dheer”.

Read Next

President Deni holds a Consultative meeting on matters of the elections.