Ciidamo ka wada tirsan Somaliland oo ku dagaallamay Hargeysa

Wararka ka imanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa sheegaya in labo ka mid ah Askarta Ciidanka Somaliland ay isku rasaaseeyeen gudaha Magaalada Hargeysa.

Mid ka mid ah Askarta dagaallantay oo lagu magacaabayay Ina Daadeeys ayaa u geeriyooday rasaastii ay isku fureen Askarigii kale ee ay dagaallamayeen.

Isku dhaca labada Askari ayaa ka dhacay Xaafadda Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa,waxaana dagaalkooda sabab u ahaa dhul ay isku heysteen.

Askariga dilka geystay ayaa magaciisa lagu soo koobay Dacar,waxaana uu isaga baxsday halkii uu ku dilay Askariga kale ee ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka Somaliland.

Somaliland ayaa qaar ka mid ah Askarta u qeybisay dhul,waxaana labadan Askari ee dagaallamay ka mid ahaayeen kuwii dhulka laga siiyay xaafadda Maxamed Mooge.

Hay’adaha amaanka Somaliland wali kama hadlin  dhacdada sababtay dhimashada Askari iyo kan wax dilay ee waliba baxsaday.

Web master

Read Previous

UN to strengthen ties with Somalia: official

Read Next

Axmed Madoobe oo Al-shabab ku eedeeyay dil xalay nabaddoon loogu geystay Kismaayo