Ciidamada DFS & kuwa Macawiisleyda oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Shabeelaha Dhexe

Ciidan isugu jira Nabadsugid, Militari iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan deegaannada hoostaga Masaajid Cali Gaduud.

Deegaannadaan waxaa dhowaan la sheegay in ay gaareen xubno katirsan ‘AS’ gaar ahaan kuwii weeraray deegaanka Masaajid Cali Gaduud Gobolka Shabeelaha Dhexe, Dowladda ayaa dejisay qorshe xooggan oo ka dhan ah ‘AS.

Ciidamadaan ayaa tagay tuulooyin dhowr ah, waxa ay halkaas ka sameeyeen howlgallo isugu jiray Miina-baaris iyo raad-raaca xubnaha ‘AS’ ee halkaas ku sugan si aanay markale dagaal ugu qaadeen saldhigyada Ciidamadaas ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Diyaarado dagaal gaar ahaan kuwa qumaatiga u kaca ayaa howlgalka qayb ka ahaa, waxaana lasoo weriyay in deegaannada qaar ay duqeymo ka fuliyeen inkasta oo aanay jirin faah-faahin ka timid dhinaca Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

MW Xasan “Waxa aan gogol u fidinayaa Siyaasiyiinta & Hoggaamiyaasha Bulshada si aragtidooda qayb uga noqoto dhismaha Dowladnimo casri ah”

Read Next

Madaxweynaha Soomaaliya oo waqti la qaatay Agoonta ay dhaleen Askarta & Saraakiisha ku dhimatay howlgallada ka dhanka ah AS