Boorama oo xasiloon iyada oo aanay jirin heshiis laga gaaray dibadbaxyadii rabshadaha watay

Xaaladda Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa maanta deggen, waxaa socda dedaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisaddii ka dhacday Magaaladaas ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo deegaanka ah.

Dadkii dhaawaca soo gaaray ayaa lagu daweynayaa goobaha Caafimaadka ee Magaalada Boorama, waxaa booqday qaar kamid ah Salaadiinta, waxaa socda tirakoob lagu diiwaangelinayo Dadkaas.

Goobaha Caafimaadka ayaa la geeyay dawooyin kaddib markii ay kasoo yeertay qaylo-dhaan la xiriirta dadka dhaawaca ah oo badan iyo dawada oo ku yar, waxaana dhinaca kale socda kulamo looga arrinsanayo sidii loo garab istaagi lahaa isbitaallada.

Wasiirkii Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka uu ka hayay Xukumadda, kaddib markii uu ka carooday go’aanka Madaxweyne Cabdiraxman Cirro ku joojiyay Bandhigga Buugga Xeer Ciise ee Rabshaduhu ka dhasheen.

Ma jiro heshiis rasmi ah oo laga gaaray Rabshadaha, waxaa weli kacsan dareenka Dadka Boorama maadaama dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray dibadbaxyadii ay sameeyeen, waxaa socda dedaallo xal waara lagu raadinayo.

Madaxweynihii hore Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa ka hadlay arrintaan, waxa uu Xukuumadda & Dadka dibadbaxa dhigaya usoo jeediyay in xaaladdu la qaboojiyo isla markaana miiska wadahadalka lagu dhammeeyo wixii dhacay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wasaaradda Caafimaadka XFS “In ka badan 50 Carruur ayaa u geeriyootay Cudurka Gowracatada”

Read Next

Duqa Boorama “Bannaabaxyada waxaa huwan siyaasad kale oo ka weyn Buugga Xeer Ciise”