Booliska Somaliya oo sameynaya Ciidan la dagaallama musuqa.

Taliyaha Boosiska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed uu abuurayo laan ka mid ah Booliska oo la dagaallanta Musuq maasuqa.

Taliyaha ayaa shalay booqday Xarunta Dambi baarista ee C.I.D ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo uu kula hadlay saraakiisha hay’adda dambi baarista ee Muqdisho.

Taliye Bashiir ayaa yiri “waxaan abuureynaa,haddaanu naya Boolis,si aan sumcad u helno waa in jeebka Muwaaddinka naga badbaadaa”.

Waxaa uu sheegay in Booliska Soomaaliya uu dulqaadka musuq maasuqa ka istaagayo eber ama aan wax dulqaad ah loo heyn,ciddii lagu helana lala xisaabtamayo.

General Editor

Read Previous

Al-shabab shells KDF Base in Southern Somalia

Read Next

Somali Police to Establish anti Corruption Unit.