Axmed Madoobe”Dowladdaha Turkey, Qater iyo Ethiopia waa in ay joojiyaan taageerada DFS majirto wax lagu aami karo”.

Axmed Madoobe 2013-2019

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta magaaladda Kismaayo ee Xarunta KMG ah Jubbaland ka furay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Maamulkaas, ayaa dowlada Turkiga ugu baaqay in ay joojiso tababarada ay siiso Ciidanka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa Dowladaha Turkaga, Qater iyo Itoobiya ugu baaqay in ay joogiyaan taageera ay siiyaan Dowlada Faderaalka Soomaaliya, oo uu sheegay in loo adeegsado burburinta Faderaalka sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Turkiga waxaan oran lahaa joojiya Ciidanka aad tababaraysaan majirto Dowlad wax lagu aamini karo ,Qater waxa aan leeyahay jooji sanuuda aad bixinayso,Itoobiya waxa aan leeyahay joojiya Saraakiishiina faragalinaysa arimaha Jubbaland” ayuu yiri Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay Ciidamada Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee ka dagaalamay Goboladda Gedo iyo Galgaduud ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Faderaalka Soomaaliya in ay ciidamada ay gaysay Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ay uga baxaan si shuruud la’aan ah.

Waxa uu soo hadal qaaday arimaha Doorashooyinka waxa uuna sheegay in aysan jirin doorasho heshiis lagu yahay oo ka dhacaysa Soomaaliya,isaga oo ku baaqay in laga wada hadlo arimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweyanaha Jubbaland ayaa sidoo kale ku baaqay in laga iskaga yimaado arimaha dayn cafinta Soomaaliya oo laga wada hadlo,isaga oo ku dhaliilay Dowladda Soomaaliya in ay dano iyada uu gaar ah ay ka leedahay arimaha Dayn cafinta Soomaaliya.

MM Staff

Read Previous

Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo “qaaday tallaabo uu awooddiisa ku muujinayo”.

Read Next

Kenya, Somalia should resolve their difference through dialogue: AU