Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin degaanka Faax faaxdhuun ee Gobolka Gedo.
Al-shabaab waxaa ay sheegeen in saldhigyada Ciidanka Kenya ee degaankaas ay ilaa 10 Madfac ku rideen islamarkaana ay gudaha saldhigga ku dhaceen.
Majiro ilo ka madaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijiyay weerarkaas ama xitaa khasaare ka dhashay,iyada oo Ciidanka Kenya aysan ka hadlin sheegashada Al-shabaab ee weerarka degaanka Faax Faxdhuun oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya ayaa inta badan ku dagaallama gobollada Jubbooyinka,Gedo iyo Gobolka Soomaalida ee Kenya ay maamusho.
Weerarkii ugu dambeeyay waxaa ay kenya sheegtay in ay uga dhaawacmeen 6 Askari kaddib markii Gaari ay wateen ay Miino kula kacday duleedka Gaarisa,iyada oo wadihii Gaariga ay Kenya sheegtay in xaalad halis ah uu ku jiro.
