Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi
Warka soo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamadooda ay dagaalka ka socda Gobolka Mudug ku dileen 25 ka mid ah Ciidamada Maamulka Galmudug sida ay sheegeen.
Al-shabaab waxaa ay sheegeen in dagaalka ka socda Degaannada Caad,Camaara iyo meelo kale ay kula jiraan Ciidamada Maamulka Galmudug oo ay sheegeen in ay Hubeysay Dowladda Itoobiya.
Al-shabaab waxaa ay warkooda ku sheegeen in Ciidamada Maamulka Galmudug ay damacsanyihiin in ay furaan Waddo Magaalada Hobyo ku xirta degaannada ismaamulka Somalida Itoobiya.
Waxaa ay warkooda ku beeniyeen in dagaalka socda uu u dhaxeeya Ciidamadooda iyo dadka degaanka,iyaga oo sheegay in arrintaas ay dowladda Federaalka ah sheegtay.
Maalmihii la soo dhaafay degaanka Caad ee Gobolka Mudug waxaa ku dagaallamaya Al-shabaab iyo dadka degaanka iyada oo dadku ay sheegaan in Al-shabaab ay isku dhaceen kaddib markii lagu amray in ay Carruurtooda ku wareejiyaan.
