Hay’ado Caalami ah oo walaac ka muujiyay dib-u-dhiska xooggan ee ciidamada Eritrea

Dowladda Eritrea ayaa si xooggan u wadday dib-u-dhiska ciidamadeeda qalabka sida tan iyo markii laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd sanaddii 2018-ka.

Talaabadan ayaa dhalisay walaac ballaaran oo ku saabsan xasilloonida gobolka, gaar ahaan gudaha Itoobiya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’ad fadhigeedu yahay Mareykanka.

Hay’adda Sentry oo ah urur u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa sidoo kale warbixin ay Isniintii soo saartay ku sheegtay in Eritrea ay xasillooni darro ka abuureyso dalalka deriska la ah, gaar ahaan Itoobiya.

Warbixintu waxay tilmaamtay in Eritrea ay ciidamadeeda dib u dhis ballaaran ku wadaan, isla markaana ay xoojinayaan awoodooda milatari iyo difaac, iyagoo sidoo kale faragelin joogto ah ku haya arrimaha gudaha ee dalalka dariska la ah.

“Tan iyo markii cunaqabateynta laga qaaday, Eritrea waxay si degdeg ah u xoojisay dhisidda ciidamada, waxayna waday dhaq-dhaqaaqyo militari oo cabsi gelinaya deriska,” ayaa lagu yiri warbixinta haayada Sentry.

Dowladda Eritrea ayaa si cad u beenisay eedeymahan, iyadoo sheegtay in warbixintaasi tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Sidoo kale, waxay ku eedeysay Itoobiya in ay mas’uul ka tahay xiisadaha ka taagan gobolka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dagaalka socda deegaanno hoos yimaada magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Read Next

Itoobiya oo Mareykanka ku dacweysay Eretriya