Maxaa looga hadlaya kulanka maanta u furmaya Madaxweyne Xasan Shiikh iyo qaar kamid ah Madaxda dowlad goboleedyada?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah isugu yeeray Madaxda Dowlad goboleedyada gaar ahaan Hoggamiyeyaasha Maamulada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Madaxda maamuladan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in ay Madaxweyne Xasan Shiikh talo ka siiyaan gogosha uu ku baaqay ee la doonayo in lagu xalliyo xiisadda siyaasadda iyo in loo midoobo dagaalka AS.

Lataliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha, ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay Madaxweyne Xasan Shiikh uu waday wadatashiyo uu la yeenayo Madaxda Siyaasadda dalka iyo kuwii hore.

“Madaxweynaha waxaa uu billaabay Wadatashiyo, maanta wuxuu la kulmi doona Madaxda dowlad goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, wuxuuna kala hadli doona gogosha” ayuu yiri Lataliye Xuseen Shiikh.

Shirkaan ayaan waxaanan ka qeyb gali doonin Madaxda Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidanka Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo howlgallo ka billaabay wadada xiriirisa Kismaayo iyo Afmadow

Read Next

Agaasimaha NISA oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen Madaxda Sirdoonka 60 dal