Ciidanka Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo howlgallo ka billaabay wadada xiriirisa Kismaayo iyo Afmadow

Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa howlgal cusub ka billaabay jidka muhiimka ah ee isku xira magaalooyinka Janaa Cabdalle iyo Afmadow, si loo xaqiijiyo ammaanka waddadaas.

Ciidamada sheegay in howlgalka lagu xaqiijiyo ammaanka dadka rayidka ah iyo gaadiidka isticmaala waddadan.

Dhinaca kale, Ciidamada ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaanka Qabri Shariif ee gobolka Jubbada Hoose , halkaasi oo ay sheegeen in ay ku dileen xubno ka tirsan AS kuna jiraan Saraakiil.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo howlgallo kala duwan ka fulisay dalka si loo wiiqo awoodda kooxdaas loona sugo amniga guud ee qaranka.

Howlgalladana ayaa ku soo aadaya xilli deegaannada Jubbaland ay ku sugan yihiin xubno badan oo ka tirsan AS gaar ahaan gobolka Jubbada Dhexe.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Diblumaasi ka tirsanaa Safaaradda Sweden ee Soomaaliya oo dalka laga eryay

Read Next

Maxaa looga hadlaya kulanka maanta u furmaya Madaxweyne Xasan Shiikh iyo qaar kamid ah Madaxda dowlad goboleedyada?