Vietnam oo ka walwalsan xasaradaha ka dhankara khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.

Danjire Dang Dinh Quy, Wakiilka Joogtada ah ee Vietnam ee Qaramada Midoobay.

Danjire Dang Dinh Quy, Wakiilka Joogtada ah ee Vietnam ee Qaramada Midoobay, ayaa golaha amaanka Qaramada Midoobay la wadaagay walaaca uu ka qabo xasaradihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, taasoo caqabad ku noqon doonta hanaanka doorashada ee dalka.

Dang Dinh Quy oo gudoomiye ka ah wada hadalka is-dhexgalka aan rasmiga aheyn ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee xaalada Soomaaliya, waxa uu ugu baaqey dhinacyada ay khuseyso in ay iska ilaaliyaan ficillada murugsan ee sii kicin kara xaaladda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Waxa uu sidoo kale ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay dhinac iska dhigaan khilaafaadka, dib u bilaabaan wadahadalka, ayna sameeyaan dadaal dheeri ah si loo gaaro is afgarad siyaasadeed oo ku saabsan qabashada doorashada iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17, 2020.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku celiyay taageerada Vietnam ee doorka dhexdhexaadinta ee UN-ka iyo ururada gobolka, gaar ahaan Midowga Afrika iyo Dowladdaha gobolka ee ku aaddan wax ka qabashada dhibaatooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Vietnam waxa ay taageertaa dadaallada dadka Soomaaliyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka” ayuu yiri, isagoo ugu baaqay beesha caalamka in ay gacan ka geystaan dadaalladaas iyadoo lagu saleynayo ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa April 20 diiday mudo kordhin ay samaystaan madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyada goluhu markii 2aad ee sanadkan ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya.

MM Staff

Read Previous

Golaha Amniga Midowga Afrika oo maanta kulan deg deg ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya.

Read Next

Dr. Buurane oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.