Sucuudiga oo 70 Imaam u diraya Caalamka si ay u dujiyaan salaadaha Taraawiixda iyo Tahajudka.

Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Dalka Sucuudiga ayaa meel marisay ama saxiixday in 70 Imaam oo dalkaas ka soo jeeda loo diro Caalamka si ay u dujiyaan Salaadaha  Taraawiixda  iyo Tahajudka xilliga Ramadaanka.

Imaamyada 70ka ah waxaa loo dirayaa 35 Dal oo ka mid ah Dunida Muslimka,waxaana ay faafin doonaan Islaamka dhex dhexaadka ah sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

C/Ladiif Al-Sheekh oo ah Wasiirka Diinta iyo arrimaha Islaamka ee Sucuudiga ayaa sheegay in arrintaas ay dowladda u sameysay si ay u taageerto Dalalka Muslimiinta ah ee Caalamka.

Wasiir C/Ladiif ayaa la kulmay Imaamyadaas,waxaa uu ka codsaday in ay noqdaan danjirayaal wanaagsan oo ka shaqeeya danaha Islaamka .

 

Web master

Read Previous

Man United oo £60m ku dooneysa saxiixa Coutinho.

Read Next

Madaxweynaha Galmudug oo Nairobi kula kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya.