Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay sababta loo eryay Haysom

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu xalay ka qeybgalay kulan Casho ahaa oo ay lahaayeen Golaha shacabka oo shalay soo xiray kalfdhigii4aad.

Khudbad uu Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay kulankaas ayuu kaga hadlay sababta dalka looga eryay Nicholas Haysom.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Nicholas Haysom uu ku hadlay hadal ay ka caroodeen oo ahaa “Muqdisho Soomaaliya maaha, Soomaaliyana Muqdisho maaha”.

Haysom ayaa hadalkaas ka sheegay Baydhaba kaddib kulan uu la qaatay Madaxwweynihii hore ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Haysom uu sidoo kale isku dayay in uu farageliyo khilaafka dowladda dhexe,Dowlad Goboleedyada iyo aqalka sare,taasna ay ka diideen oo ay dowladda dhexe qaadatay in ay iyada maareyso arrimaha taagan.

Mustaqbal media

Read Previous

Qadar oo ballan qaadday dhismaha Ciidanka Somaliya

Read Next

Somalia President detailed decision behind sacking Nicholas Haysom