Siciid Deni oo xilka kala wareegay C/Wali Gaas

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta xilka Madaxweynaha Puntland kala wareegay Madaxweynihii hore ee Maamulkaas C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Munaasibad lagu qabtay Garowe oo uu xilka kula wareegayay Deni ayaa waxaa ka hadlay labada madaxweyne ee isbeddelay.

C/Wali Gaas ayaa soo bandhigay mashaariicda hirgashay intii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland,kuwa hadda socda ee u baahan dhameystirka iyo qodobo kale.

Gaas ayaa gaba gabada hadalkiisii waxaa uu cafis weydiistay Dadweynaha Soomaaliyeed,waxaana uu ka codsaday in uu iska cafiyo qofkasta oo wax ka tabanaya.

Dhinaca kale Madaxweynaha cusub ee Xilka la wareegay Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in maaliyadda ugu horreysa ee ay xukuumaddiisu fasaxeyso noqoneyso midda amaanka sidaas darteedna ay tahay in xoogga la saaro.

Deni,ayaa sheegay in todobaadkan oo dhan ay C/Wali ka wadahadlayeen maamulidda Puntland, C/wali Gaasna dulqaadkiisii lagu eedeeyay.

Waxaa uu sheegay in isaga uusan dulqaad badan u lahayn waxyaabaha qaar islamarkaana uu sharciga kala hagi doono isaga iyo dadka uu Madaxweynaha u yahay.

Mustaqbal media

Read Previous

Golaha shacabka oo ansixiyay isbeddel lagu sameeyay xeerka maamulka Bangiga dhexe

Read Next

Qarax ka dhacay banaanka hore ee maqaaxida The Village.