Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay xeerka wax ka beddelka Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Xeerkan oo ay golaha cod u qaadeen waxaa oggolaatay 158 Xildhibaan,waxaana diiday 17 XIldhibaanm,sidaas ayuuna ku meel maray.
Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan lambarkiisa 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.
Xeerkan ayaa oggolaanaya in qof Ajannabi ah uu noqon karo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee SOomaaliya,kaas oo todobaadkan oo dhan ay dooddiisu taagneyd.
Dhinaca kale Golaha shacabka ayaa ansixiyay wax ka beddel lagu sameeyay xeerka Hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Xeerkan ayaa waxaa u codeeyay 163 Xildhibaan ayaa oggolaatay halka ay 13 Xildhibaan diideen,sida uu sheegay Guddoonka.
Sidoo kale Guddoonka Golaha shacabka ayaa soo xiray kalfadhiga 4aad ee Golaha shacabka kaas oo ku soo dhamaaday 33 kulan oo goluhu yeeshay intii uu shaqeynayay kalfadhigan.
Xeerkan waxa hore u soo ansixiyey golaha xukuumadda, waana markii taariikhda ugu horreysay ee xeer Soomaaliyeed loo beddelo si uu qof shisheeyey ah u qabto xilka hay’ad dhaqaale
Xildhibaanada diiday meelmarinta xeerkan ayaa kusheegay in uu yahay mid saameyn kuyeela doona Dhaqaalaha iyo hay’adaha maaliyadda ee Soomaaliya, xildhibaan Cabdi Shire Ciyaarjecel oo kamid ah xildhibaanadii diiday ayaa u warramay warbaahinta
https://www.facebook.com/mustaqbalmedia/videos/294222287902374/?t=0
