Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso
Wararka ka imanaya Gobolka Cafarta ee Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Maamulka Gobolkaasi uu xiray Waddada weyn ee isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya.
Dadka Cafarta ah ayaa ka sheeganaya Ciidan beeleed abaabulan oo ay sheegeen in ay dhibaato ku hayaan dhulkooda.
Wxaa ay ismaamulka Cafarta sheegayaan in malleeshiyo Beeleedka oo ka soo jeedak Gobolka Soomaalida iyo Dalka Jabuuti ay dhul ballaarsi ka wadaan Gobolka Cafarta.
Waddada ugu weyn ee ay soo maraan waxa ay Itoobiya kala soo degto dekadaha Dalka Jabuuti waxaa waddada u dhaxeysa Magaalooyinka Samiira iyo Cawaash.
Warar kale ayaa sheegaya in Dadka cafarta ah oo dibadbax dhigaya ay sidoo kale xireen Waddada kaliya ee uu maro Tareenka isku xira Jabuuti iyo Itoobiya.
Maamulka Cafarta ayaa Ciidamo ka gows heysta Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya iyo Dowladda Jabuuti ku eedeeyay in ay qabsanayaan dhul ay Cafartu leeyihiin,iyaga oo ku riyoonaya Soomaali weyn.
